Dhageyso: Saraakiisha Dowladda Iyo Saraakiil Itoobiyaan Ah Oo Ka Shiray Xoraynta Gobolada, Gedo, Bay, Bakool, iyo Jubbooyinka.

0

Bardaale (AGGM): Kulan ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Bakool oo dhex maray saraakiil Itoobiya iyo Somali ah ayaa looga hadlay dhaqaajinta howlgalka Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Soomaalida oo mudooyinkii u danbeeyay hakad ku jiray.

Guddoomiyaha degmada Bardale ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay Ciidamadda Itoobiya inay gacan ka siin doonaan dowladda Ciidankeeda xoraynta goobaha ay ku harsanyihiin Ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Bardaale in Ciidamadda dowladda Itoobiya ee dhawaan ku biiray Howlgalka AMISOM awood buuxda u leeyihiin xoraynta gobolada ay ku suganyihiin Shabaab.

Tan iyo markii Ciidanka AMISOM ku biiraan kuwa Itoobiya waxaa soconayay dhaq dhaqaaqyo ballaaran oo la doonayo in lagu xoreeyo gobolada dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com