Dhageyso: Nabadoon Ciise Sheekh Xuseen ” Kismaayo Wax Maamul Ah Kama Jiro, Waxaana Ka Socda Dil Kufsi iyo dhac”.

0

Kismaayo (AGGM): Nabadoon Ciise Sheekh Xuseen oo kamid ah nabadoonada fara ku tiriska ah ee ku haray Magaalada Kismaayo ayaa Warbaahinta u sheegay in magaalada kismaayo ay kajirin wax maamul ah islamarkaana amaanka uu faraha ka baxay. .

Sidoo kale ayaa waxa uu Nabadoon Ciise sheegay in magalaada ay ka socdaa Dil ,dhac kufsi iyo weliba isagoo sheegay in falalkaas waxuushnimada ah ay kadambeyaan maleeshiyo beeleedka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Nabdoon Ciise oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in dadka lagu dilayo gudaha magaalada Kismaayo Qabiilka ay kasoo jeedaan loo dilayo ,isla markaasna dadkan la dilayo ay yihiin kuwii u dhashay magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo dilalka, dhaca, Xariga sharci darada ah iyo kufsiga ay geesanayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay caadi ka noqdeen magaalada Kismaayo,mana ay jiraan cid ka hortagta amaba ka hadasha falalkan guracan ee ay geesanayaan Axmed Madoobe iyo maleeshiyo beeleeedkiisa Raaskambooni…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com