Top News: Danjire Maxamed Saalax Annaadif Oo Sheegay In Ciidamo Isku Dhaf Ah Loo Diri Doono Magalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Maxamed Saalax Annaadif ayaa sheegay in Ciidamo isku dhex jir ah la geynayo magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Joose, isagoo ka dhawaajiyay in aanay ka bixi doonin Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.

Mr Al Anaadif oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Xalane ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay sii wadayaan howl galka, inta laga xaqiijinayo ammaanka Soomaaliya, isla markaana la kordhinayo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo.

“Marka ugu horeysa Ciidamada Kenya kama baxayaan Kismaayo, waxaan u direynaa qeybta Kismaayo ciidamo isku dhex jir ah, Ciidamo Brundi ah, hal Batalyan oo Sierra Leone ah iyo Ciidamo Boolis ka socda Nigeria”ayuu yiri Maxamed Saalax Annaadif

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa intaas raaciyey in ciidamada isku dhex jirka ah ee la geynayo Kismaayo ay hoos tagi doonaan Ciidamada Sierra Leone oo hogaaminaya Taliska qeybta afaraad ee howl galka AMISOM.

Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo dhowaan la hadlay Idaacada BBC ayaa sheegay in Ciidamada Kenya laga bedelay hogaanka qeybta Kismaayo, isla markaana qeyb ka mid ah ciidamadooda ay sii joogi doonaan Kismaayo.

Taliska AMISOM ayaa dhowaan is bedel ku sameeyay hogaanka Talisyada ciidanka ee ku sugan xarumaha talisyadooda ee gobolada dalka, iyadoo Ciidamada Itoobiya oo ku soo biirtay howl galka AMISOM ay ka howl geli doonto Gobolada Bay iyo Bakool.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com