Bardaale (AGGM): Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay soo gaaray degmada Bardaale ee gobalka Baay, sida uu Bar-kulan u xaqiijiyay maamulka degmadaasi.
Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq Carra-Case, oo u warramay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay qeyb ka yihiin howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Isku soo wada duuboo Carra-Case ayaa tilmaamay in la doonayo in la xorreeyo deegaannada ay kooxda Shabaab kaga sugan tahay gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com