Balanballe (AGGM): Guddoomiyaha maamulka dowladda ee degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, Hareeri Xasan Barre ayaa maanta dhagax-dhigay dhisme cusub oo xarun u noqon doona maamulka.
Hareeri oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha xarunta ay hirgelineyso hay’adda USAID, mashruuceeda Danguud ee TIS oo uu sheegay inuu ka qeyb-yahay mashaariic horumarineed oo ay hay’addo ka waddo gobolka Galgaduud.
Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey hay’adda oo uu sheegay inay ka jawaabtay codsi ay horay ugu gudbiyeen, ayna ballan-qaaday inay dhowaan degmada ka dhisidoonto dugsi sare.
Wuxuu guddoomiyaha intaas ku daray in hirgalinta xaruntu ay dardar galin doonto fulinta howlaha maamulka degmada oo xilligan ku shaqeeya hooy kiro ah.
Dhagax-dhigga waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulka Ballanbal, USAID iyo qaar ka tirsan dadweynaha magaalada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com