Selangor (AGGM): Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayo sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay aas-aaskii maamul goboleedka khaatumo state of somalia ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay hotelka caalamiga ah ee hotel kulalampur oo ku yaal magaalada kulalumpur ee xarunta dalka Malaysia.
Xafladan waxa kasoo qayb galay guud ahaan jaaliyadaha soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka Malaysia sidoo kale gudoomiyaha guud ee midowga ardayda somaliyeed C/laahi Mohamed Cali “Sultaan”, Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliyeed ee Dalka Malaysia Dr.Shariif Abdi Nuur, xubin ka tirsan safarada somaliyeed ee dalka Malaysia iyo weliba aqoonyahano somaliyeed oo qaarkood barayaal ka ah qaar ka mid ah jamacadaha dalka Malaysia.
xafladaas lagu soo bandhigay heeso, ciyaaraha dhaqanka iyo hidaha, weliba ciyaarta jaan dheerta ee dadka dega goboladaasi Khaatumo ay caanka ku yihiin,iyo heeso aad u ruxay ka soo qayb galayasha oo ay soo bandhigeen fananinta walalaha KL, kama marneen buranbur ay hablaha khaatumo oo ku lebisnaa calanka soomaaliya iyo kan khaatumo soo bandhigeen Dadkuna aad ula dhaceen.
Gudoomiye jaaliyada ardayda khaatumo ee dalka Malaysia Abdi Xakiin Harti oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa soo jeediyay ayaa ugu horeyn soo dhoweyn dusha ugu tuuray ka soo qayb galayasha xaflada kuna dhawaqay in xaflada ay iminka u furan tahay, sidoo kale wuxuu ka dhawajiyay waxyaabaha u qabsoomay mudadii maamulka khaatumo ay jirtay,isagoo xusay aqoonsiga maamulka khaatumo, furitaanka garoonka diyaaradaha ee degmada taleex, ka qayb galka baarlamaanka somalia xubno metela shacabka khaatumo,balaadhinta maamulka iyo dhisida laamaha amaanka sidoo kale wuxu tilmaamay waxyaalaha laga sugayo khaatumo isagoo u hambalyeeyay shacabka khaatumo meel walba oo ay joogaan, iyo weliba somalida kale ee ka soo qayb galay xaflada, wuxuuna gudoomiyaha jaaliyada ardayda khaatumo uu hadalkiisa ku soo gaba gabeyay “Khaaatumo waxay ka timi Somali, una timi Somali, carabkana u ku adkeeyay in ay khaatumo u tagan tahay midaynta somaliweyn.
Xafladan sanad guurada labaad ee khaatumo lagu xusayay oo uu xidhiidhinay Weriye Jamal ciise Milaano ayaa sheegay inaysan bisha january ahayn markii khaatumo la dhidbay oo kaliya balse reer khaatumo ay dhacdooyin xasuus weyn kuleh bishan oo kale ay jiraan isagoo xusay in bishii january ee 1899kii ahayd markii ay ciidamo daraawiish ah oo gaadhayay 3000 oo halgamaa ay u istaagaan difaaca dalkoooda iyo diintooda ay Is Urursadaan,kowdii january 1900kii dagaalkii ugu horreeyey ayay daraawiish ku qaado sancadaalihii gumaystaha kaas oo ka dhacay HARA-DHIIG halgankaas oo socday 21sano, 21kii January 1920kii ay diyaarado dagaal oo ingiriisku lahaa ay duqeeyaan TALEEX iyo JIIDALI taas oo noqtay markii ugu horreysay oo qaarada afrika la duqeeyo.
Gunta iyo gabagada xaflada ayaa mar qura waxaa howlka luxay heeso aad u macaan oo ay ku luuqeynayeen qaar ka mid ah faananinta walalaha KL, taasi oo noqotay mid ay aad ugu riyaaqeen ka soo qayb galayashii xaflada, waxaana dhamadkii xaflada shahado sharaf iyo bilado la gudoonsiiyay qaar ka mid ah marti sharaftii ka soo qayb gashay xaflada waxayna ku soo idlaatay jawi aad u qurux badan iyadoo somalida inta badan ay u caleemo sareen xafladii ugu qaabka qurxuneed abid ee ka dhacda dalka Malaysia.
Mohamed abdirahma ismail “Timo”
Selangor – Malaysia
mahamed09@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com