Nin Ka Tirsanaa Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Nin ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni xalay lagu dilay xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Lama oga cidda ka dambaysay dilka ninkaa ka tirsanaa maleeshiyada Axmed Madoobe iyo sababta loo dilay, balse waxaa jira baaritaano ay ilaa xalay maleeshiyo beeleedka ka samaynayeen xaafadda uu dilka ka dhacay.

Baritaano ay maleeshiyo sameeyeen ayaa waxaa lagu soo qabtay dad badan sida uu ku soo warramayo weriyaha Bar-kulan ee magaalada Kismaayo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ku aaddan dilka askariga.

Isku soo wada duuboo Habeen ka hor ayaa nin ganacsade ahaa lagu dilay Kismaayo, iyadoo lagu dhaawacay qof rayid ah oo ka og dhowaa halka lagu dilay ganacsadaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com