Waxaa dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee South Africa gaar ahaan Magaalada Cape Town iyo nawaaxigeeda la ogaysiinayaa oo ka qeyb galaan shir weyne muhiim ah oo looga hadli doono arimo in badan ay ka cawdaan Soomaalida Koonfur Afrika.
Shirkan oo si gaar ah u quseeya Soomaalida, ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arimaha Amaanka iyo Sharciga, waxaana xusid mudan in Dowladda Koonfur Afrika ay si adag uga codsatay dhammaan Soomaalida ku nool Gobalkan Western Cape inay kasoo qeybgalaan shirkaasi si looga tashado sida laga yeelayo arimahani oo ah waxyaabaha muhiimka u ah Soomaalida balse ay aalaaba cabasho xoog leh ka keenaan.
Waxaa shirkani soo agaasimay Xisbiga talada dalka haya ee ANC, iyadoona ay kasoo qeybgali doonaan Madax sar-sare oo ay ka mid yihiin : – Gudoomiyaha guud ee ANC, Wasiir ku xigeenka arimaha Gudaha ee K/Afrika, Wasiir K/xigeenka Arimaha Dibadda, Wasiirka Booliska, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo saraakiil sar sare, iyadoo sidoo kale Madaxda Jaaliyadda Soomaalida South Africa ay iska xaadirin doonaan madasha Shirka.
Shirka waxa uu ka dhici doonaa beri oo Jimco ah Hoolka weyn ee Goodwood oo masaafo yar u jira Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Bellville.
Taariikhda waa : 7 February 2014
Waqtigu Waa 3:00pm ama (Sagaal saac Galabnimo)
Hadaba ma tahay qof Sharci la’aan iyo ammaan dari ka cabanaya ?, haday jawaabtaadu tahay haa ha moogaan oo haka maqnaan Shirkaasi muhiimka ah.
C/risaaq IndhaJaceyl
Cape Town, South Africa
+27783420920
E-mail : Daauus1@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com