Top News: Dhaqdhaqaaq Ciidan Oo Ka Jira Magaalada Baled-Xaawo Ee Gobolka Gedo.

0

Baled-Xaawo (AGGM): Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka jiro magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamo faro badan oo ka kala yimid Luuq iyo Doolow ayaa waxa ay gaareen degmada Beled-Xaawo, iyagoo isku diyaarinaya inay qaadaan dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobolka.

Taliyaha amniga ee Beled-Xaawo, Maxamed-wali Yuusuf Qorrax ayaa Warbaahinta u sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay Al-Shabaab kagala wareegaan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.

Qorrax ayaa sheegay in ciidanka la isugu geynayo duleedka magaalada, kaddibna ay u dhaqaaqi doonaan degmada Garbahaarrey si ay ugu biiraan ciidan kale oo xooggan oo halkaas ku sugan.

Waxaa qaar ka tirsan gobollada koonfurta dalka ka socda qorsheyaal la doonayo in lagu weeraro kooxda Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com