Mombasa (AGGM): Dowladda Kenya ayaa in ka badan 100 ruux oo la soo qabtay ku eedeysay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kaddib weerar Axaddi ay boolisku ku qaadeen masjid ku yaalla magaala xeebeedka Mombasa.
129 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayay boolisku xireen ilaa maalintii Jimcaha, iyada oo Axaddii weerar ay dad ku dhinteen oo dhex maray dhallinyaro joogtay masjidka Musa ee magaalada Mombasa iyo booliska uu ka dhacay gudaha masjidka.
Ugu yaraan labo qof ayaa looga cabsi qabaa in ay ku dhinteen weerarkaasi, kuwaas oo mid ka mid uu ahaa askari ka tirsan booliska.
Robert Kitur oo ah sarkaal ka tirsan booliska magaalada Mombasa ayaa sheegay in masjidka uu weerarku ka dhacay loogu khidmeynayay Jihad lagu taageero kooxda Al-Shabaab.
Sarkaalka sare ee booliska magaalada Mombasa Henry Ondieki ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya in dhallinyaro ay masjidka ka qeybinayeen warqado ay Jihad ku qoran yihiin.
Kenya ayaa doonaysa in ay xoojiso ammaankeeda wixii ka dambeeyay weerarkii bishii September ee sanadkii hore ka dhacay xarun laga dukaameysto oo ku taalla bartamaha magaalada caasimadda ah ee Nairobi, weerarkaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 70 qof.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com