Chelsea Ayaa Qorsheyneysa Inay Xagaaga La Soo Wareegto Weeraryahanka AC Milan Balotelli.

0

Kooxda Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka anshax xumada lagu eedeyo Ee Mario Balotelli ayagoo doonaya in xiddigan uu wax ka qabto dhibaatada heysata weerarka Ee Blues.

Sports Direct News ayaa shaacisay warar hoose oo sheegaya in tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho uu doonaya inuu kooxdisa keeno weeraryahan awood u leh inuu goolal dhaliyo si uu uga maarmo Eto’o oo laga yaabo inuu kooxda isaga tago xagaagan iyadoo Torres iyo Schurrle ay ku guul dareysteen inay goolal u dhaliyaan Blues.

In kastoo Samuel Eto’o uu wax badan qabtay uuna hat-trick ka dhaliyay Manchester United ayuu hadane Mourinho aaminsanyahay in kooxdisa ay u baahan tahay weeraryahan xirfad u leh Premier League si uu koobab ugu guuleysto xilli ciyaaredkan iyadoo kooxdisa goolasha ay u dhaliyaan kaliya xiddigaha qadka dhexe ka ciyaara.

Mourinho ayaa sheegay inuu doonayo seddex weerar yahan midkood inuu ku soo biiriyo Stamford Bridge hadii uu ku guul dareysto inuu la soo wareego Wayne Rooney waxana hor kacaya mashiinka Atletico Madrid Diego Costa iyo xiddiga Fc Porto Jackson Martinez iyo Super Mario Marua Balotelli oo uu arko ninka munaasibka ku ah weerarka Blues.

Tababaraha reer Portugal ayaa ku guuldareysatay dalab uu ka gudbiyay Wayne Rooney lakiin Iminka wuxuu doonaya Balotelli sido kale goor sii horeysay Mario ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar kale ka hoos ciyaaro Tababare Jose Mourinho.

Mario Balotelli ayaa kooxdisa Ac Milan u Saftay 29 kulan isagoo u saxiixay 21 goal xilli ciyaaredkan inkastoo xiddigan lagu eedeyo inuu dhib badan yahay lakiin Mourinho ayaa u arka laacibka kaliya Ee ku haboon weerarka Chelsea.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com