Dhageyso:Waran Cadde “Masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Masoo Gali Karaan Somaliland”.

0

Hargeysa (AGGM): Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka la magac baxay Somaliland Cali M.waran Cadde, ayaa shegay in masuul ka socdaa DFS uusan soo caga dhigan karin dhulka ay ka taliyaan maamulka Somaliland.

Wasiirka oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa xaqiijiyay in seddex sarkaal oo u shaqeynayay dowladda Soomaaliya oo sida uu yiri sharci darro ku soo galay Somaliland ay ku jiraan gacanta ciidammada booliska Soomaaliya, ayna ku xiran yihiin Xabsi ku yaalla garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in saraakiisha la qabtay deg deg looga masaafurin doono Somaliland, lana saari doono diyaaradda ugu horreysa.

“Soomaaliya iyo Somaliland waa ay kala go’een mana suurtageli karto in cid dowladda Soomaaliya ka socota ay ka soo degto garoomada Somaliland”ayuu yiri Wasiir Waran-cadde oo sheegay in arrintaas aysan saameyn ku lahayn dadka shacabka ah.

Dowlada Federaalka Soomaaliya, ayaan ilaa iyo hada ka hadlin arintaan, iyadoo ay jireen wadahadalo labada dhinac bilihii ugu danbeeyay uga socday wadanka Turkiga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com