Dhageyso: Soomaali Xiir La Lahaa Al Shabaab Oo Mareykanka Lagu Xukumay 15 Sano Oo Xariga Ah.

0

Muqdisho (AGGM): Dowladda mareekanka oo Baadi Goob ugu jirta Shaqsiyaad fara badan oo xiriir toos ah la leh ururka alshabaab ee Somaliya ka dagaalanta ayaa waxay gacanta ku dhigtay shaqsi xirii toos ah la sameeyay kooxda alshabaab ee somaliya.

Shaqsigaan oo da’diisa lagu sheegay 26sano jir ayaa waxaa laga qabtay meelo ka mid ah dalka mareekanka waxaana lagu eedeeyay inuu xiriir la sameeyay kooxda alshabaab isla markaana dhaqaalo uu ku taageeri jiray.

Ciidamada FBI-da mareekanka oo iyagu soo qabtay ninkaan ayaa waxay sheegeen in ninkaan uu qirtay danbigii lagu soo eedeeyay iyadoona Maxkamadda Dalkaasina ay ku xukuntay xabsi gaaraya 15sanadood.

Ninkaan ayaa la qabtay muddo bilooyin ka hor waxaana mudadii la hayay ku socday baaritaano adag waxaana sidoo kale ninkaan lagu eedeeyay inuu dhowr jeer qadka taleefanka kula xiriiray Abuu mansuur Al-amriiki oo ahaa muwaadin mareekanka kana kid ahaa saraakiisha sarsare ee kooxda alshabaab balse ku geeriyooday gacanta maleeshiyaad daacad u ah Hogaamiyaha Alshabaab Axmed Godone oo khilaaf uu soo kala dhex galay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com