Tukaraq (AGGM): Labo masuul oo katirsan Golaha deegaanka Maamulka Somaliland, ayaa maanta isku soo dhiibay maamulka Puntland.
Mas’uuliyiintan oo ay tiradoodu labo tahay, laguna kala magacaabo Mukhtaar Mahad Cawad iyo Cabdalle Digaale Cali, waxay ka tirsanaayeen golaha deegaanka ee degmada Laas-caanood.
Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdinuur Biindhe oo horay u ahaa madaxweynaha Khaatumo, wuxuu sheegay in Soomaaliland ay cadaadis ku hayso dadka reer Sool ee jooga Laascaano iyo deeganada kale ee ay gacanta ku hayaan.
Mukhatar Mahad Cawad iyo Cabdullaahi dhiigaale cali oo ku jiray golaha deegaanka degmada Laascaanood ee Soomaaliland ayaa ah xubnaha isa soo dhiibay ee wasiiradu ugu tageen degmada Tukaraq ee Sool.
“Xubnahan ma noqon doonaan kuwii ugu dambeeyey ee waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee garta masiirka dadkooda, cadaadiska ka jira deegaankooda iyagoo waayo arag u ah. Soo dhowaada.” Ayuu yiri wasiirka ganacsiga Maxamed Xasan Soocade oo hadlay jeediyey.
Halkan hoose Ka Dhageyso Mas’uuliyiinta Soo Goostay
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com