Maqaal: Ceelna Uma Qodna Cidanna Umma Maqna! W/Q.Maguuraan Doodde

0

Waxaan ku bilaabayaa magaca eebbe بسم الله الرحمن الرحيم

Kama daalayo Inaan Qalinka khadka ugu shubto run Ka sheegidda xaaladda Dhabta ah ee Ka jirta maanta dalkeenna firka soomaaliga ahi mideeyay ee Soomaaliya , waa Marag furka berrito dhasheenna iyo dhashooda iyo aayahooda dambe Inaan saxa u reebno jaan tus AMA taariikh runta weheshata . uma qorayo qormadan Inaan Ujeeddo gaara iyo martabad Aan ku raadinayo laakiin waxaan ugu hiilinayaa in inta aragtida dheer ee geesiyiinta ah ee la aamusan runta Aan uga soo saaro gododka Ay ku gaabanayaan waqtigan cidhiidhiga ah , waxaan leeyahay waa waqtigiinnii waa waqtigii Ummaddu u baahnayd halgankiinna si Aad ugu heshaan ummadda dhabaha xornimo run ah lagu gaaro, taasoo macnaheedu Uu yahay in Waddanka iyo dadkuba ku jiraan gumaysi run ah Oo Aan u muuqan maskaxda shacabka iyo hogaamiyaasha siyaasadeed ee maanta kuwaas Oo baahida jirta kaga faaiidaystay dantii guud Dana gaara Oo raqiis ah Isla mar ahaantaana iyagoo gelaya Eedo waa weyn Oo qaran jab ah Kuwaasoo la HUBO in maalinteeda Ay taariikhdu xusi doonto.

Waxaa marba I hor yimaada gabay abwaan soomaaliyeed Oo Ay ku dhex jirto —Isma doorin gaalkaan dirriyo daarta kii galaye– Gumaysigii caddaa ee dusha lagu qaadayay ee na raranayay maaha Ka maanta waa gumaysiga maskaxda Oo adeegsanaya Kuwa Adiga kula Af ah kugu muuq ah waa gumaysiga Baahi Aan jirin iyo colaad Aan jirin ummadeenna ku beeray ee geliyay waa gumaysi Ka shakiga na kala geliyay waa kii jabka na baday ee Aay run moodeen Kuwa Uu caqligooda fooraro ee hor boodaya Kuwa Aaynaan waxba wadaagin muuq magac Af iyo Diinba ee ilaah iyo rasuulba Ka soo hor jeestay ………..xalka dhibaatada soomaaliyeed iyaduu ku jiraa …….. xanuunkan gumaysiga waa in Laga dhiidhiyaa Laga baxaa .

Waxaa looga baxaa waa tashi arrin iyo meeqaam run ah Oo lagu fuliyo iyadoo Caqliga la kaashanayo.
Sidiii xoriyadda loo qaatayba gumaysigu waa joogay isagoo dhaqaalihiisa iyo khiyaamooyinkiisii khatarta ahaa adeegsanayay , isagoo maalinba meel Ka soo wareegayay Ilaa Uu labadii wada dhashay ee weliba labada illin ee isku xigta ahaa ee Isu xigay inay is dilaan Aan gaarray, waxaanuu gumaysigu naga helay banaan dhexdeenna ah iyo kala daadsanaan iyo hoggaan xumi iyo ismaqal la’aan .

Burburkii dawladdii dhexe waxaa Ka dambeeyay Oo Laga dhaxlay balanbal iyo balaayo Aan Laga soo kaban Ilaa Imminka ,qabkeennii iyo qoomiyadnimadii soomaaliyeed ee Ay wadatay qarannimadu anagoo wada jirra ayaan qubnay xabaalna ku adkaynnay sabab kastoo Aan u yeellaba , uma baahnin maanta Inaan Isu sheegno khaladaadkii dhacay iyo siyaabihii looga faaiidaysan waayay , uma baahnin qoqob iyo anagu dhib ma qabno iyo anaga waxba nagama maqna annagu waan haysannaa Reer hebel hadaan nahay waayo meel Aan Ka soconno iyo meel Aan u soconno CID walboo hoggaaminta sheeganaysa nooma sheegi karto yoolka runta ah ee Aan higsanayno waa Iska soco 23 sano.

Sadaqada markaad bixinayso waa inayasan labadaada gacmood Iska war qabin Oo Aanay is xaal ogayn waa waqtigii loo baahnaa nafta in loo sheego runta waa waqtigii Aan hareerha eegi lahayn wa waqtigii Aan eegi lahayn danta guud Ka jeesan lahayn taayada gaarka ah iyo tabashada , maskaxda ayaan gun Ka nahay firka soomaaliyeedow indhaha fura dhagaha fura wax is weydiiya wax badan is weydiiya EEG hareeraha eega hortiinna – dhabaha mugdiga ah ee aayaha ummadeenna waxaa loo baahan yahay in loo ileeyo .

Waa sax wax badan Oo Aan loo baahnayd inay dhaceen Ilaa gumaysi gii caddaa Aan Ka qaadannay gobonimada . walaal firka soomaaliga ahow …. raad orooryaad dib looma raaco…. Wax Aan Isu sheegno ma hadhin dhibaatada jirtaa waa mid Aan wada qabno ,, aayaha Ummaddu waa mugdi Maxaa tala ah Maxaa tala ah illeen CEELNA uma QODNA CIIDANNA uma MAQNA dadkeenna iyo dalkeennaba.

Waa tanoo xabashidii. Waa tanoo sawaaxilgii iyo qaar kaloo Ka sii daran iyo qaar Daba fadhiya , waa tanoo anaga dhexdeennii waa taa Aad aragtaan Oo meel loo socdo xitaa lama yaqaannee Maxaa talo ah Maxaa xal ah sidee Horta xornimo loo helaa Oo cadaalad loogu nagaadaa , walaalayaal naftu isku si ayay nooga baxaysaa caqli halagu daro wanaaaggii ummadda soomaaliyeed ma dhammaan mana tirmayo wadaniga dhabta ahaw ku mee.

!!!! Adoo XOR Ka ah Reer dan gaara musuq Eex ku mee !!!!
Dalku waa jirayaa laakiin taariikhda dadkeenna dambe waa in Laga fikiraa waa in lays weydiiyaa halkay ku dambaynayso, firka soomaaliyeed waxaan u rajaynayaa inay soo noqoto garashadiisii iyo dareenkiisii Uu wax ku diidi jiray waxna ku yeeli jiray isagoo og Oo feejigan. Waa Inaan wanaaggeenna Ka bilownaa Halkii fayow waa Inaan wanaagga isugu hiillinnaa xumaanta isaga hiillinnaa .
Soomaliya Soomaali baa leh iyadaa xaq u leh inay saxdo khaladkeeda .

Maguuraan Doodde
doodde@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com