Dhageyso+Daawo Sawirada: Beesha Tanade Daarood Oo Dhaliilay Saamiga Laga Siiyay Golaha Wasiirada Puntland.

0

Garoowe (AGGM): Shir ay Garowe isugu yimaadaan qaar kamid ah Waxgaradka, Cuqaasha , Culima’Awdiin , Aqoonyahaniinta, Dhallinyaro iyo Haweenka beesha Tanade Daarood ee (Layl kase) ayaa laga soo saaray Bayaan lagu muujinayo in beesha ay ka xun tahay saami qeybsiga Wasiirada Puntland ee uu dhawaan uu magacaabay madaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas.

Bayaanka beesha oo uu saxaafada u akhriyay Dr Maxamed Osmaan Yuusuf ayaa sidan uqornaa:-

1: Beesha Tanade(Laylkase )waxay soo dhaweynaysaa oo taageeraysaa doorashadii madaxweynaha Puntland.
2: Beeshu waxay ka shaqeeynaysaa horumarka iyo nabada Puntland.
3: Beeshu waxay dhalliilsan tahay saamiga laga siiyay golaha wasiirada Puntland . Iyadoo awal ku dulmaneed saamigii barlamaanka ku lahayd.

4: Beeshu waxay qabtaa inaysan uqalmin saamiga lasiiyay . Iyadoo baaxad weyn ku leh deegaanada Puntland.
5: Waxay beesha ka codsanaysaa madaxweynaha Puntland Dr C/Weli inuu cadaalad ku iiyo xaqa beeshaas ka maqan.

6: Xubnaha baaqaan soo saaray waxay beesha Tanade Daarood ugu baaqeen inay adkeeynaa midnimadooda iyo iskuduubnidooda.
Suldaan Subayr Maxamuud oo kamid ahaa cuqaashii shirkaan kahadlay ayaa sheegay dulucdiisa hadafkoodu inuu ahaa sidii beeshu uga tashan lahayd danaheeda iyo xaaladaha muhiimka u ah.

Qaar kamid ah dadkii shirkaan ka hadlay ayaa muujiyay inay aad ugu xun yihiin xubnaha lagasiiyay xukuumada Puntland oo ay ku tilmaameen inay tahay wax aanan qulmin sharafkooda. Waxayna sheegeen inay doonayaan in beesha ay hesho waxaka maqan.

Midka kamid ah haweenkii ka hadashay shirkaan ayaa sheegtay inay beeshooda ku dulmaneed 15kii sano ee lasoo dhaafay .Haatana aysan diyaar u ahayn in 5sano oo dambe saamigoodii laga qadiyo.

Daawo Dareenka Shacabka Goldogob.

pin2

pin

pin4

pin3 pin1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com