Dhageyso:Al-shabaab oo ku baaqay in Haweenka iyo Caruurta ay dagaal galaan

0

Baraawe(AGGM): Horjooge Al-shabaab u qaabilsan Gobolka Shabelahha Hoose oo lagu Magacaabo Abuu Cabdala ayaa ugu baaqay Caruurta iyo Hooyooyinka Odayaasha in ay Dagaalamaan oo ay la Diriraan dad uu sheegay in ay ku soo duuleen Dalka Soomaaliya.

Abuu Cabdala Hor joogaha Al-shabaab ayaa sheegay in loo baahan yahay in Dadka aan kor ku soo sheegnay ay Qoriga Qaataan oo ay la dagaalamaan Ciidamada Shisheeye sida uu sheegay.

Waxaa Dadka ku nool Gobolka Shabellaha Hoose la yaab ku noqotay hadalka Al-shabab ee ah in Haweenka iyo Caruurta ay Qoryaha qaataan oo ay Dagalka galaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Horjoogaha al-shabaab oo Ku qeylinaya dagaalka hala Galo

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com