Hay,ada SEDHURO ee ka shaqaysa arimaha bulshada iyo hormarinta ayaa Tartan kubada cagta ah ka bilowday Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo Taarikhdu markay ahayd 15 bishaan.
Inta aysan ha,adano qaban tartankaan Kubada cagta ah waxaay guud ahaan kooxahan u qabatay tababaro lagu dhisayo garaadkooda si ay uga qayb qataan Nabadeynta Gobolka Gedo,
Sido kale Hay,ada SEDHURO waxaay qalabaysay 15 ka koox ee ka qaybgalayay Tartanka kubada cagta ee SEDHURO ay soo qaban qaabisay waxaana qalabkaasi ka mid ahaa dharka Sportiska ee lo yaqaano Maaliyadaha iyo qalab kale oo badan,
Waxay sido kale dayactir kusamaysay Hay,ada Garoonka kubada Cagta ee Dagmada Balad Xaawo kaaso oo aan mudoyinki ugu danbeyay an lagu sameyn wax dayac tir ah,
Guud ahaan Shacabka Dagmada Balad Xaawo ayaa soo dhaweyay tabarka ay Hay,ada SEDHURO siisay kooxahaan waxaana Faidoyinka Tababarkaan laga dareemaya dhalintii ka qayb gashay.
Tartankan oo ahaa mid si weyn lo soo agasimay ay waxaa ka qaybgalayay guud ahaan kooxaha heerka kowaad ee ka dhisan dagmada balad xaawo.
Tartaankaan ayaa waxaa wajigiisi kowaad waxaa ka qayb qatay 16 koxood kuwaas oo mid mid isku arkay islamarkana soo bandhigay ciyaaro ay so dhaweyeen guud ahaan dadkii u soo dawasho tagi jiray ciyaarahaasi.
Koxaha wareega kowaad ee tartanka SEDHURO ka qayb qatay ayaa waxaa ka mid ahaa.
Booc Booc
Golden Stars
Elman Fc
Dhabad
Qadhaw United
Jubba
Halgan
Real Stars
Hirdo
M.B.C
Ramadaan
Darawish
Schooley
Hormuud
Qansah
S.Y.S
Ciyaaro Xamaasad leh oo socday mudo 15 casho ah ismarkasna ay uso daawosho tagi jireen boqolal ka tirsan shacabka Magaaloyinka Balad Xaawo iyo Mandheere ka dib waxaa Same finalki Cup ka SEDHURO iskugu soo haray kooxaha kala ah.
1-Elman
2-Hormuud
3-MBC
-Qansax
Afartan koox ee isku soo baxaya ayaa malmaha soo socda waxaay iskugu adayaan labo labo koox waxaana labada ugu danbaysay ee iskugu soo baxda finalka Hay,ada Sedhuro ay gudonsiin doonta Abal marino.
Ma ahan markii ugu horaysay ee ay Ha,ada SEDHURO qabato Tartan dhinaca kubada cagta ah waxaana sanadkii tagay Hay,ada SEDHURO ay qabatay Ciyaar aad u xiiso badnayd oo dhexmartay Magaaloyinka Balad Xaawo iyo Mandheera ee ka kala tirsan Wadamada Somalia iyo Kenya,
Halkan ka daawo Ciyaarti Xamasada badnayd ee dhexmartay Balad xaawo iyo Mandheera.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgduud@gmail.com