Washington DC (AGGM): Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo khudbadiisa sanadlaha jeedinayay ayaa mar uu soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin Al-Qacidada ka dagaalanta geeska Africa iyo Bariga dhexe waxaa uu sheegay in dawlado ay dawlada Soomaaliya ka mid tahay la samaysanayaan xiriir hoose oo lagu jabinayo ururo Al-Shabab ka mid yahay.
M/weyne Obama waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in xukuumadiisu ay wado qorshe ay si toos ugala shaqaynayso dawlada Soomaaliya, Mali, Yemen iyo Ciraaq oo ka mid ah dalalka ay Al-Qacida ka wado dhaq dhaqaaqyo xoog leh waxaana uu intaa ku daray in xiriirkaas uu keeni doono in la wiiqo awooda ururada Al-Qacida ku xiran sida Al-Shabab oo kale sida uu yiri.
“Xiriir toos oo wada shaqeyn dhanka militryga ah ayaan la samaynaynaa dawladaha Soomaaliya, Mali, Yemen iyo Ciraaq oo ay Al-Qacida dagaalamayaal ka joogaan waana hubaa in xiriirkaas uu bur burin doono Al-Qacida iyo xulafadooda” ayuu yiri M/weynaha Maraykanka.
Habeeno ka hor ayey ahayd markii ciidamada Mareykanka ay duqayn ka geysteen degan ka tirsan gobalka shabellada hoose oo lagu dilay Sargaal dhanka caafimaadka u qaabilsanaa Xarakada Al Shabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
alllgalgaduud@gmail.com