Xukumadda Soomaaliya oo Xaqiijisay in Weerarkii Sh.Hoose lagu Dilay Saraakiil Al-shabaab ah

0

 

Muqdisho(AGGM): Xukuumada Somalia ayaa xaqiijisay maanta oo Isniin dilka Hogaamiye ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo Habeenimadii xalay lagu dilay weerarka cirka ah oo ka dhacay Koonfurta Somalia.

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa kusoo qoray bartiisa uu ku leeyahay Twiterka war uu ku xaqiijinaayo dilka Axmed Abdelkadir Amu Iskudhuuq.

Ra’iisul wasaaraha aya warkiisa ku yiri “weerarkani waxa uu ogolaanaya in kooxaha jihad doonka aysan kusoo dag dagin Somalia,weerarkaani waxa uu argagexisada ka reebaya in ay hoy ka dhigtaan dalka Somalia”

Iskudhuuq ayaa Al-shabaab u qaabilsana dhinacyada amniyaadka,cafiimadka iyo shirqoolada.

Sidoo kale war kazoo baxay madaxtooyada Somalia ayaa ku tilmaantay weerarkaani mid hoos u sii dhigaaya awooda Al-shabab ayna xukumada sii wadi doonto in ay kala shaqeeyso dowladaha xulufada la ah in Somalia laga ciribtiro Xarakada Al-shabaab.

Diyaradaha dagaalka Mareykanka aan duuliye laheyn ayaa dhowr jeer waxa ay saraakil sare Al-shabab ku beegsadeen gudaha dalka.

 

Warbaahinta Mareykanka ayaa maanta qoray in weerarkii xalay ka dhacay degaanka ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose uu hadafka ahaa haweeyney la sheegay in wax ay ka  hogaaminaysay weerarki 21-bishii September kla dhacay magaalada Nairobi ee lagu magacaabo Samantha Lewthwaite’s.

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ugu qaabilsan gobolka ayaa iyaga waqti hore waxa ay shaaca ka qaaden in Samantha Lewthwaite’s ay ku sugan tahay mid kamid ah gobolada Somalia ee Koonfurta dhaca.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaasi xalay ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose uu madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Obma ku doonayay inuu ku ciqaabo Samantha Lewthwaite’s oo u dhalatay dalka Biriten waxana lagu eedeyey in ay wax ka abaabushay weerarkii Westagate oo ay ku dhinteen 67-qof.

Mareykanka waxa uu sheegay in hadafka uu ahaa 5-saraakil sare oo Al-shabaab ah ay ku jirtay Samantha Lewthwaite’s balse duqeentii dhacday lagu dilay kaliya Axmed Abdelqaadir Iskudhuuq.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Baraawe oo 110-km Muqdisho u jirta.