Baledweyne(AGGM): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee ka socda Dowladda Jabuuti ay Xireen Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.
wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay Xireen Gudoomiye kuxigeenkii Degmada Baledweyne C/laahi Xasan Cumar oo la sheegay in ay Xarigiisa ka danbeysay kadib markii Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay ee Magaalada Baledweyne ay amartay in la soo xiro Gudoomiyaha.
inkastoo aan la sheegin ujeedka Xariga Gudoomiyaha ayaa waxaa wararka ay intaa ku darayaan in Lagu Xiray Gudoomiye ku xigeenka Saldhiga Ciidamada Booliska ee Degmada Baledweyne.
Maamulka Gobolka Hiiraan kama hadlin Xariga Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Baledweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com