Maanso: “Cabasho” Waxaa Curiyay Abwaan Bashiir M. Xersi.

0

MAANSO: Maansadan waxaan curshay ka dib markii aan helay warka ah in xukuumaddii la ansixiyey oo Baalamaanku kalsoonida siiyey. Midda aan dul istaagay ee maansada curinteeda igu dhalshay ayaa ahaa, in la yiri “COD AQLABIYAD AH” ayaa lagu meelmarshay. Yaab. Sida aan horay u barannay caadana iska noqotay sanad ama ka yarba waxaa laga geyn doonaa Mooshin ka dhan, markaa baa waxaan iri:

Carrab hadal madaayoo

Waano lama cusleystee

Casirkaan waraan helay

Oo caadku uu wadey

Aan ka curiyo maansoo

Suugaanta caynleey

Cutub gabay ka tiriyoo

Cir mareen u sii faro

Inta joogta ceelkii

Cawo maalinteed lehe.

 

Waa loo codeeyoo

La caleema saaroo

Loo dhaarshay carshigii

Cosob weeye cusub iyo

Caabbane cargaagtamay

Cillad kuma dhammaatee

Caqli kale ma heysaan?.

 

Cidda yaan la hodinoo

Cirid iyo cadceed kulul

Cagaag cagaha muda iyo

Ciirsi waagi baas iyo

Ha u celinnin tiihii!

 

Adigoon caqiidada

Caynkeeda soo baran

Masjid culimmo joogaan

Cunsur laguma sheegee

Caallayaasha joogee

Carbis aan la soo marin

Caqli samata bixiyiyo

Maan curiya nabaddiyo

Garaad ceyminaayiyo

Celmi caafimaad iyo

Mey lahan cisiyo sharaf!

 

Cirroolihiyo waayeel

Carruurtiyo haweenkiyo

Marrastiyo ciyaalkiyo

Kulli caam ahaanteen

Ciriirigaan ku sugan nahay

Iyo calaalcalkeennii

Cidi aysan caawimin

Ma hayaan caaqibadood?!

 

Dadku wuxuu cod hoosiyo

Uu ci’ dheerba ku cabbiray

Inaad camal abuurtaan

Ood cayaarta dhaaftaan

Carro nabada keentaan

Cudurkiyo caqabaddiyo

Caabuqana dhammeysaan

Calafka iyo cududdiyo

Ciidankana mideysaan

Calankana difaacdaan

Cadawgana ka celisaan

Caadi maahan saaniye

Waa cajaa’ib yaabliyo

Waxaan noo cuntaminoo

Ceeb nagu ahaayoo

Caajis nagu diloodoo

Na cuuryaanshey waayee

Noo iclaansha talo culan.

 

Cadka leysku heystoow

Ama waan ku cunayaa

Ama waan ku ciideyn

Cimrigeenni gooyoo

Cabashaan ka keennaye

Wax cillani dushiinniyo

Cindigiinna yey noqon!
Dhammaad.

21/01/14
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.wordpress.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com