Muqdisho (AGGM): Xubnaha golaha wasiirada, Wasiiro ku xigeenada iyo Wasiiro Dowla Yaasha ayaa maanta lagu wadaa in la dhaariyo.
Maalintii shalay aheyd ayaa Baarlamanka Federaalka Soomaaliya uu codka colsoonida siiyay xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay R/wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed ayaa haddana maanta la filayaa in xubnaha golaha wasiirada lagu hor dhaariyo mudanayaasha Baarlamanka.
Xukuumada Cusub xubnaha kamid ah ayaa dhaarinta kadib la filayaa iney guda galaan la wareegidda xilalkooda si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday, waxaana hor yaala howlo adag oo u baahan in si howlkarnimo ah loo maareeyo.
Waa xukuumaddii Labaad ee dalku yeesho wixii ka dambeeyay marki dalkeenu uu ka baxay marxaladdii KMG-aheyd, waxaana xukuumadii hore ay aheyd mid aan tayo laheyn.
Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com