Dhageyso: Maalinta Saxaafada Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusay Dalka.

0

gabdhaha saxaafadaMuqdisho (AGGM): Munaasabad balaaran oo lagu xusaayay maalinta Saxaafada Soomaaliya oo ku beegan 21-Janaayo maanta oo kale ayaa lagu qabtay Magaalada muqdisho.

Munaasabada oo ay soo qabana qaabiyeen Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyed ayaa waxa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socota Dowlada Federaalka Soomaaliya, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Idaacadaha Madaxa Banaan ee ka Howl gala Magaalada Muqisho, ururada Bulshada Rayidka iyo Quburo Saxaafada in badan ku soo dhex jiray.

Farxiyo Maxamed Kherte oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyed oo la hadashay Idaacada Risaala ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedka munaasabada manta iyo waxyaabaha looga hadlay.

21-Bisha Janaayo oo ku began maalinta Saxaafada soomaaliya ayaa inta badan laga xusaa Gudaha Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka, iyadoona ay xusid mudan tahay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay la kulmaan dhibaatooyin joogto ah oo soo gaara inta ay ku gudo jiraan Gudasha Waajibaadkooda Shaqo

Isku soo wada duuboo waxaa sidoo kale Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland lagu qabtay Munaasabad Balaaran oo siwayn loosoo agaasimaya laguna xusayay Maalinta Saxaafada Soomaaliya taas oo ay ka ka qeyb galeen masuuliyiin katirsan maamulka Puntland iyo khuburo dhanka saxaafda ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com