Dhageyso: Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Xukun Kala Duwan Ku Riday Eedeeysanayaal.

0

maxkamadaMuqdisho (AGGM): Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay u fariisatay dhagaysiga dacwo ciqaabeed loo haytso ilaa 15 qof oo ku eedaysan dambiyo isugu jira dil, dhaawac, kufsi iyo tuugnimo, kuwaasi oo qaarkood dacwadoodu soo socotay muddo dhan 7-bilood iyadoona ay Maanta maxkamada dadkii la horkenay ku riday xukuno kaladuwan.

Maxamed Xasan Nuur oo ah Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maxkamadda horteeda kaga dhawaaqay fal dambiyeedyada ay ku eedaysanyihiin Shaqsiyaadka maanta Maxkamada la hor keenay. waxa uuna Cuskaday Go’aankaan Qodob ka mid ah xeerka CiqaabtaSoomaaliyeed.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay Xukunada si ay ugu Eedeysanayaasha Maanta Maxkamada la horkeenay isagoona xusay in 5 ka mid ah Eedeysanayaasha dib loo dhigay, 10 kale ay Maxkamada Go’aan ka gaartay.

Maxkamadda ayaa sii daysay hal eedaysane oo wax caddayn ah lagu waayay, waxaana ay dib u dhigtay kiiska 5-eedaysane oo aysan dhamaystirmin caddaymaha loo hayo dambiyaha lagu soo eedeeyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com