Dhageyso+Daawo: Cabdi Shire “Heshiiski Addis Ababa Waa Bur Buray”.

0

cabdi shire11Muqdisho (AGGM): Warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen Qaar kamid ah ragii horay Kismaayo ugula dagaalamay Ciidamadda Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa waxay ku sheegen inuu bur buray heshiisyadii ay ku gaareen Magaalada Muqdisho iyo kii horay uga dhacay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaddib markii sida ay sheegeen uu Jabiyay Hogaamiye Axmed Madoobe qodobadii lagu heshiiyay.

Dr Cabdi Shirre Warsame oo ah Wakiilka Col, Barre Aadan Shirre Hiiraale oo Warsaxaafadeed ay ku saxiixnaayeen illaa Shan Siyaasi oo kala ah Col Barre Hiiraale, Iftiin Xasan Baasto, Cabdi Baaleey Xuseen, Cumar Buraale Axmed, iyo Maxamed Amiin Abdullahi Saxaafadda u akhriyay ayaa ku dhaleeceeyay Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe inuu jabiyay heshiisyadii ay la gaareen.

Cabdi Shire ayaa yiri “Sida aad la socotaan, iyada oo la raacayo heshiiskii Addis Ababa waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay 3-6-dii Bishii 10 ee sanadkii tagay shirwayne ay iskugu yimaadeen dhinacyada Khilaafaadka gobollada Jubbooyinka waxaana dhinacyadu wada gaareen heshiis nabadeed, waxaana la filayay in si wada jir ah loosii wado Geedi socodka Nabadeed ee heshiiskii Addis Ababa, iyada oo la fulinayo, Qodobadan soo socda, 1 Soo xaraynta Ciidamadda hubaysan ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo, 2 hubka dhigista iyo xaraynta dhammaan Malayshiyaadka dhinacyada , 3 Qabashada Shirwayaha labaad ee dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee Kismaayo, 4 Awood qaybsi, 5 dhismaha maamulka ku meel gaar ah ee Jubba” ayuu yiri.

Wuxuu ku tilmaamay Cabdi Shire ayaan daro inay tahay Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe inuu jabiyo heshiiskii ay ku gaareen magaalada Muqdisho taasoo ka dhigaysa inuusan ahayn Hogaamiye sax ah balse uu yahay Hogaamiye Jabhadeed sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ayaan darro ah in Axmed Maxamed Islaam uu qaaday Tallaabo kasoo horjeedda , uuna jabiyay heshiiskii Addis Ababa isagoo magacaabay waxa ugu yeeray Wasiiro Tanina waxay cadaynaysaa Axmed Maxamed Islaam inuu ka baxay Heshiiskii Addis uuna dib ugu noqday oo uu hadda yahay Dagaal Ooge (Warlord), haddaba beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay ka digtoonaato in la marin habaabiyo oo ay taageerto lana shaqayso dagaal ooge, sidoo kale waxaan beesha Caalamka ugu baaqaynaa inaysan ka qayb galin Xaflad ku sheega Caleema saarka Dagaal ooge Axmed Madoobe” ayuu ku yiri Warsaxaafadeedka Dr Cabdi Shire.

Cumar Buraale oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka horayna ugu dhawaaqay Madaxwaynaha Maamulka Jubba oo shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay Sheekh Axmed Madoobe inuu jabiyay dhammaan heshiisyadii ay gaareen isla markaana ay taasi ka dhigantahay inuusan ahayn Hogaamiyaha rasmiga ah ee Jubbooyinka.

Sidoo kale Mr Buraale ayaa tilmaamay inaysan aqoon sanayn Axmed Madoobe kaddib markii uu ka baxay heshiiskii uu la gaaray.

Iftiin Xasan Baasto oo isna dhankiisa hadal jeediyay ayaa sheegay shirka ka dhacay magaalada Kismaayo ee lagu caleema saarayo Axmed Madoobe inuu yahay mid aan sax ahayn isla markaana uu yahay mid lagu marin habaabinayo beesha Caalamka iyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.

Ugu danbayntii ayay si wada jir ah uga codsadeen Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya in si wada jir ah loo eego hab dhaqanka Hogaamiye Axmed Madoobe iyagoo dhinaca kale baaq u diray Dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia oo iyagu shirka qodobadii kasoo baxay masuuliyadeeda qaaday.

20140119_122357 20140119_122316 20140119_122206 20140119_122153 20140119_122129 20140119_122102 20140119_122042 20140119_121929 20140119_121905 20140119_121848 20140119_121658 20140119_121600 20140119_121521 20140119_121510 20140119_121447 20140119_121403 20140119_121349 20140119_121339 20140119_121126 20140119_121056 20140119_121009 20140119_120951 20140119_120944

Axmednuur Maxamed
Muqdisho Somalia


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com