Dhageyso:Madaxweynaha oo Safiirka Jabaan warqadihii ka Gudoomay

0

pre1Muqdisho(AGGM): Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Japan Mr Tatsushi Terada.

Safiirka cusub ee Japan oo lagu magacaabo Tatsushi Terada ayaa ka mahadceliyey sida quruxda badan ee loogu soo dhoweeyey Muqdisho, isla markaana looga guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga. Waxaa goob joog ahaa Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam. Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Japan ay leeyihiin xiriir taariikhi ah, haddana Japan ay dooneyso inay Soomaaliya ka caawiso dhanka amniga iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Japan waxey na tustay sida ay u tahay saaxiib ay ka go’antahay inay ka dhabeyso ballanqaadyadii horey loogu sameeyey shirkii qaaska ahaa ee bishii May sanadkii hore lagu qabtay Yokohama oo beesha caalamka tustay sida ay Japan door hoggaamineed uga qaadaneyso arrimaha Soomaaliya. Waxaana uga mahadcelinayaa dowladda Japan sida ay u daneyneyso Soomaaliya iyo kaalmadooda dhanka amniga, dib-u-dhiska iyo kor u qaadista tayada shaqaalaha dowladda oo ay saraakiil badan tababar ku soo siiyey dalka Japan.”

“Waxaan kaaga mahadcelinayaa booqashadaada Muqdisho, oo ah tallaabooyinkii ugu danbeeyey oo na tuseysa inaan beesha caalamka doorkeenii ku soo noqonay. Bacdamaa aan xasilineyno dalka oo aan horumar joogta ah ku tallaabsaneyno, waxaan rajeynayaa in Japan oo ah dowlad dhaqaalaheedu xooganyahay inay dalkeena maalgeshtaan oo shacabkayaga oo leh dal kheyraad fara badan ay u horseedo inay gaajada ka baxaan oo barwaaqo ay ku noolaadaan.”

DHAMAAD

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) 
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia Federal Republic of Somalia 
E 1: yarisow@presidency.gov.so E 2:engabdirahman@gmail.com
Twitter: @thevillasomalia; @engyarisow Facebook: Eng. Yarisow

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com