Odense (AGGM); Xaflad ka dhacday magaalada Odense ee dalka Denmark, 18kii Janaayo 2014 ayaa lagu soo dhoweeyay masuuliyiinta lakala wareegay hogaanka Puntland, kuwa cusub iyo kuwii hore.
Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey iyo Afhayeenka golaha wakiilada PL Mudane Siciid Xasan Shire ayaa loogu qabtay Xafladda ay soo qabanqaabiyay jaaliyadda Puntland diaspora association ee magaalada Odense ee dalka Denmark. Xafladda waxaa ka soo qaybgalay Soomaali fara badan.
Ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Odense. Mr. Ajaay. Guddoomiyuhu wuxuu sheegey in ujeedada xafladdu ay tahay taageeridda isbedelka cusub ee ka dhacay Puntland, kaasoo ahaa mid taariikhiya oo adduunka oo dhan lagu soo amaaney. keddib dad isugu jira aqoonyahanno, siyaasiyiin, abwaano iyo culumaa-udiin ayaa hadallo isugu jira soo dhoweyn, hambalyeyn, taageero iyo talooyin kasoo jeediyay xafladda.
Madaxweyne Prof. Cabdiwali oo isna khadka taleefanka uga qayb galay xafladda, ayaa jaaliyadda u mahad celiyay. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashada dambe ee 2018 aysan ku koobnaan doonin baarlamaanka, balse shacabka Puntland oo dhammi uu ka qayb qaadan doono doorashada. Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay taageerada iyo ducooyinka jaaliyadda.
ugu dambeyntii waxaa madaxweynaha loo sheegay “In madaxda cusub laga sugayo inay fuliyaan balanqaadyadoodii ay ku galeen tartankii doorashooyinka”.
dhinaca kalane waxaa xafladii amaan iyo bogaadinba loo jeediyay madaxdii hore ee Puntland Madaxweynahii hore, Madaxweyne ku xigeenkii hore iyo Afhayeenkii hore ee golaha wakiilada shacabka Puntland sidii wanaagsaneynd ay usoo hogaamiyeen shacabka Puntland.
Farah Yassin Osman
Odense – Denmark
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com