Top News: Soomaaliya iyo Uganda oo ka wada hadlay Cirib tirka Al-shabaab

0

1Kambaala(AGGM): Taliyaasha ciidamada booliska Soomaaliya iyo Uganda ayaa magaalada Kampala ku kala saxiixday hishiis is afgarad lagu tilmaamay oo ka dhan ah Xarakadda Al-Shabab.

Wargeyska New Vision oo caasimada Uganda kasoo baxa ayaa waxaa lagu sheegay Jen C/Xakiim Daahir Saacid taliyaha booliska Soomaaliya iyo Gen. Kale Kayihura  taliyaha booliska Uganda ay magaalada Kampala ku gaareen hishiis micnihiisu yahay iskaashi labada ciidan dhex mara oo lagu xoojinayo amaanka dalalka Soomaaliya iyo Uganda kaasi oo la iskaga kaashanayo ka hor tagista weeraro ay geystaan Xarakadda Al-Shabab.

Taliyaha booliska Soomaaliya Jen C/Xakiin Daahir Saacid ayaa ka sheegay munaasabada hishiiskaan lagu saxiixay in booliska Soomaaliya ay u baahan yihiin taageero dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin tababarida ciidamada baariska kiisaska dambiyada iyo arrimo kale.

Gen. Kale Kayihura  taliyaha booliska Uganda oo asna hadlay ayaa xusay in ciidamada booliska Uganda ee Soomaaliya jooga ay hadda la shaqeeyaan booliska Soomaaliya isla markaana ay hadda kadib xoojin doonaan taageerada ay siiyaan booliska Soomaaliya.

Dawlada Uganda oo ay ciidamo tiro badan oo boolis iyo Military iskugu jira Soomaaliya ka joogaan waxaa ay dawlada Soomaaliya waxay taageeraan dagaalka ay Al-Shabab kula jirto

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com