Top News:Kenya”Dalkeena Dhalinyarada Soomaalida Ah Ee Joogta Waa Al-shabaab”

0

top-newsNairobi (AGGM): Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska ee dalka Kenya oo diiday in magaciisa ay saxaafadda isticmaasho ayaa sheegay in dhalinyaro la maleynayo inay ka tirsan yihiin xarakada Alshabaab ay ka talaabayaan xadka dalka Kenya.

Sarkaalka oo sheegay inuu hayo xog muhiim ah laakiin aan loo ogoleyn la hadalka warbaahinta ayaa tilmaamay in sidoo kale ay jiraan ajaaniib Afrika iyo qaar ka mid ah wadamada kale ee caalamka ka socda oo u soo talaabaya dhinaca dalka Soomaaliya si ay u taba bartaan deedna ugu laabtaan dalka Kenya.

Madaxda baarista danbiyada ee Garisa Muse Yego ayaa isna xusay in ajaaniib ka imaanaya dalalka Tanzania iyo uganda ay ku jiraan dhalinyarada u soo talaabaya dhinaca Soomaaliya.

Weerarkii bambooyinka gacanta laga tuuro iyo xabadaha la isku weydaarsaday ee westgate ayaa dhaliyay in sara loo qaado la socodka ajaaniibta ay soomaalidu ugu horeyso ee ka gudbaya xadka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarkaas ayaana la xusay inuu sabab u noqday aaminaad daro iyo si xun ula dhaqan ay la kulmaan ajaaniibta ku dhaqan dalka Kenya.

Arintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dhawaan ku taleyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Kenya in la helo sirdoon isticmaalaya qalab casri ah oo la socon kara dhaqdhaqaaqa xadka u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa rumeysan in dhalinyarada 30 jirka ka yar ee dhinaca Soomaaliya ka tagaya ay yihiin shar wadayaal aan mudneyn in lagu soo dhaweeyo dalka Kenya.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com