Balad-Xaawo (AGGM): Ciidamada iyo Culimaa,udiinka Ahlu suna waljameeca ayaa dhoolo tusyo iyo xaflad lagu weyneynayo maalinta dhalashada Nebigeena suuban NNKH kusoo bandhigey Gudaha Degmada B/xaawo ee Gobalka Gedo Soomaaliya.
Boqolaal ciidamada Qalabka sida iyo dufcooyin Culimada Deegaanka ah ayaa fagaaraha aargada B/xaawo kusoo bandhigey muxaadarooyin tusaya dadweynihii halkaas kazoo qayb galey taariiqda Nabigeena Suuban iyo maamuuska ay ku leedahay diinta islaamka maalintan aadka looga xusey meelo badan oo dunida ka tirtsan.
Madax ka tirsan kuwa Gobalka iyo kuwa maamulka Degmada ayaa ka Hadley goobtii fagaaraha waxana ay sheegeen in laga bilaabo maanta ay soo saarayaan qodobo soo dhaweynaya midnimada dadka deegaanka iyo maamulka , waxana uu arinkaasi yimid ka dib markii ay ciidamada Dowlada ee qalabka sida Qaar ka tirsani jir dilo iyo dhaawacyo u geysteen dad shacab ah maalin ka hor xiliga munaasabada Mowliidka.
Ugu dambeyn waxa ay xafladani imaaneysaa xili meelo badan oo dalka ka tirsan looga xusey munaasabada Xuska Mowliidka si ka duwan sanadyadii lasoo dhaafey, madaxtooyada caasimada Dalka ee Vila Somalia ayaa ka mid ah meelaha lagusoo bandhigey Xuska Mowliidka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com