Nairobi (AGGM); Masuul dhanka amaanka u qaabilsan Kenya ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal dagaalamayaal Ajaanib Al-shabaab ah ay bilaaben inay ka goostaan xarakada Al-shabaab kuwaasi oo qul qulkooda laga dareemay dalka Kenya kadib markii ay sii xoogeysteen khilafka ka dhex aloosan gudaha Al-shabaab.
Shabakada Foxnews ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in wixii ka danbeeyay weerarkii Westgate ee 21-kii bishii September ka dhacay magaalada Nairobi ay saraakisha Kenya ka feejigan yihiin in ay dhacdo dagaalamayaal Al-shabab ah oo gudaha u gala Kenya.
Masuul u hadlay booliska Kenya oo diiday in magaciisa loo adegsado warbaahinta in masuuliyinta amaanka Kenya ay la socdaan dhaq dhaqaqyada shaqsiyaad ajaanib ah oo la rumaysan yahay inay kasoo bar bar dagaalamen Al-shabab oo iyaga Kenya ku sugan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com