Dhageyso: Gudoomiyaha Caabudwaaq oo Ka Warbixiyay Shaqaaqo ka dhacday Degmadaas .

0

axmed jaamac dhirifCaabudwaaq(AGGM): Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Axmed Jaamac  ayaa waxaa uu ka hadlay shaqaaqooyin ka dhacay Degmada uu Gudoomiyaha ka yahay Ee caabud Waaq Isagoo sheegay in ay ka Hortageen Rabshadihii ka dhacay Degmada Isla Markaana ay magaalada hada xasiloonidii ku soo Celiyeen .

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ku amray Ciidanka Amaanka Degmada Dadka Falalka amaan daro ka Geysanaya Degmada Caabud Waaq Cid kasta oo ay U Arkaan in ay Amaanka Caqabad ku tahayna ay Gacan Bir ah ku qabtaan.

Degmada caabud Waaq ayaa Galinkii Dambe Ee Shalay Waxaa ka dhacday Shaqaaqo Kooban oo Caqabad ku ahayd Amniga Degmada in kastoo Si Dhaqso ah looga Hortagay in ay Sii Faafto Sida Maamulka Degmaduba uu sheega .

Halkaan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…  

gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Axmed jaamac

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com