Xog Xasaasi Ah: Xukuumaddu Waxay Ka Dhismi La,adahay Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Faragalin Ku Haya, Si Ay U Soo Noqdaan Kooxdi Saxiixday Mooshinki Dhagarta Ahaa Ee Lagu Riday Xukuumadi R/wasaare Saacid.

0

cali-daacuunTix raac: Xaashida taariikhdeedu tahay 21-11-2013 kuna saabsan mooshin kalsooni kala noqosho Ra’iisulwasaaraha, iyo Xukuumadiisa JFS.

Warqadda waxaa ku cad annagoo ah Xildhibaannada saxiixay mooshinka ujeeddadiisu kor ku xusan tahay mudanayaashu waxay cuskadeen QODOBKA 69aad farqaddiisa (2) xarafka (E) qodobka 111aad Qodobka 112aad Qodobka 135aad Qodobka 137aad ee dastuurka KMG iyo Qodobka 75aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Waxaa ku cad mooshinka wasaaradaha gudan waayay xilkoodii waxaa ka mid ah sida hoos ku qoran:-

1- SIYAASADDA ARRIMAHA DIBADDA
2- SIYAASADDA ARRIMAHA GUDAHA
3- DHAQAALAHA
4- IYO ADEEGGA BULSHADA

184-tii Mudane ayaa u codeeyay Ra’iisulwasaarihii hore in kalsoonida laga qaado, miyaan la oran kareynin waxay ahayd shirqool ku waajahan Dr. Saacid oo kali ah maxaa yeelay, Wasiiradii Xukumay Wasaaradaha ku xusan mooshinka, miyaanay ahayn kuwa la soo eedeeyay, miyaanay ahayn wax caqliga noolaha ka baxsan in la yiraahdo Wasiirka 1aad wuxuu gudan waayay xilkiisii, Wasaaradihiina way guteen xilkoodii, iminkana waxay rabaan inay ka mid noqdaan Xukuumadda cusub, iyadoo Madaxweynuhu ku lug leeyahay arrintan ka soo bixi weyday Ra’iisulwasaaraha cusub.

Wakhti badan ayaa ka soo wareegay wakhtigii la filaayay in Ra’iisalawaaraha cusub soo dhiso Xukuumad, hase ahaatee ilaa maanta oo ay bishu tahay 12 Jannaayo 2014 lama hayo Xukuumad, lamana filaayo maalmaha dhow haddii aanu Madaxweynuhu faragalinta ka deyn.

Siyaasiyan waxay u muuqataa in Xukuumaddu, ay ka dhismi la’dahay faragalinta Madaxweynaha, wax loo dulqaadan karo ma aha in dalku ku jiro Xukuumad la’aan muddo 3 bilood ah.

Wasiirka 1aad ee cusub waxaa dastuurku dhigayaa inuu u madax bannaan yahay dhismaha Xukuumadda ka dibna uu geeyo Baarlamaanka, si loo siiyo codka kalsoonida (Bal Akhri Qodobka 100aad) ma garanaayo kumana arag dastuurka qodob sheegaaya Madaxweynuhu wuxuu ku leeyahay awood magacaabista Golaha Wasiirrada.

Waxaa soo iftiimaya in Madaxweynuhu aannu ogoleyn ku dhaqanka Dastuurka, Shuruucda iyo waxay umaddu ku heshiisay, una maleyn maayo in ay Soomaalidu isku raaceyso sida ay wax u muuqdaan, waxayna keeni doontaa in qaranimadii Soomaaliyeed aan dib loo raadin qof walibana uu aado Gobolkii uu ka yimid.

Umadda Soomaaliyeed waxay isku raacsan tahay in aanay soo noqon Wasiiradii riday Xukuumaddii ay ka tirsanaayeen, maxaa yeelay way fashilmeen, waxayna ka qeyb qaateen, saxiixeen mooshinkii xaq darrada ahaa.

(Murti ayaa oraneysa) “LAMA GALO NABSI SIYAASADEED, HADDAAD GASHIDNA WAA LOO ADKEYSTAA WIXII KAAGA SOO BAXA NABSIGA”.

Dalku kuma jiri karo Xukuumad la’aan waxaan u soo jeedinayaa Ra’iisulwasaaraha cusub inuu soo dhiso Xukuumad yar oo tayo leh oo aan ka badneyn 18 wasiir ka dibna uu geeyo Baarlamaanka, isagoo Xukuumadda ku saleynaaya sida loo qeybsaday Baarlamaanka, waana inay noqdaan Wasiiro la aamini karo kana adag shaqadooda kulana xisaabtantid, maxaa yeelay Baarlamaanka ayaa kula xisaabtami doona haddii aad tahay Ra’iisulwasaaraha cusub.

Haddii Madaxweynuhu ku adkeysto, inuu faragalinta ka deyn waayo awoodda Ra’iisulwasaaraha waxaan u soo jeedinayaa Wasiirka 1aad inuu soo bandhigo faragalinta lagu hayo ka dibna uu ISTIQAALAD geeyo Golaha Baarlamaanka.

Beesha caalamku waxay dhowreysaa waxa ka soo baxa Ra’iisulwasaaraha cusub, ee ma dhowreyso faragalinta Madaxweynuhu ku hayo dhismaha Golaha Wasiirada.

Khabiir Siyaasadeed.

Cali Daacuun

Akhriso Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay halkan hoose idiinku soo bandhigaysaa Warqadi Mooshinka Ee Laga Gudbiyay Xukuumadi R/wasaare Saacid.

Page 01 001 Page 02 001
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

 

allgalgaduud@gmail.com