Dhageyso: R/wasaare Cabdiweli Oo 10 Maalmood Loogu Daray Xilliga Magacaabista Golaha Wasiirrada Cusub.

0

JAWAARIMuqdisho (AGGM): Mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta golaha u codeeyay in 10 maalin loo kordhiyo xilliga raysul wasaaraha Soomaaliya uu ku soo magacaabi lahaa golihiisa wasiirrada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa baarlamaanka u akhriyay warqad codsi ah oo uu raysul wasaaraha ku dalbanayay waqti kordhinta.

142 xildhibaan ayaa u codeysay codsiga raysul wasaaraha, halka saddex mudane ay ka aamustay.

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo golihiisa wasiirrada.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Mudo Kordhinta

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com