Ayoba (AGGM): Afar ruux oo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay dalka Mareykanka, kadib markii gaari ay saarnaayeen uu shil ku galay Gobalka lagu magacaabo Ayoba ee dalkaasi Mareykanka.
Dadka geeriyooday ayaa dhamaantood waxa ay ahaayeen qaraabo, waxaana jiiray gaarigii ay saarnaayeen gaari kale oo weyn nooca xamuulka qaado ah.
Cabdi Maxamed Guulwade oo kamid ah Soomaalida degan Gobalka shilka uu ka dhacay ee Ayoba, ayaa Idaacada VOA usheegay in afarta ruux ee geeriyootay mid kamid ah uu ahaa Wiil dhalinyaro ah, kahor inta uusan geeriyoona uu kusoo maray isaga oo deg degsan dukaan Soomaali leedahay oo dhalinyarada Soomaalida inta badan ay isugu yimaadaan, isaga oo sheegay inuu safar galayo oo dad ay qaraabo yihiin booqanayo.
Saraakiisha dhanka caafimaadka, ayaa sheegay in dadkaasi dhamanatood ay geeriyoodeen, kadib markii shilka uu dhacay oo loola cararay isbitaalka.
Booliiska Gobalka Ayoba ee dalka Mareykanka, waxa ay sheegeen inay sameynayaan baaritaan ku aadan sida falka uu udhacay, waxaana gacanta lagu haayo gaarig weyn iyo ruuxii waday.
Maalmahan dambe waxaa soo badanaya Soomaalida dhibaatada kusoo gaareysa gudaha dalka Mareykanka.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com