GABAY: Dib U Heshiin. W/C. Mohamed Elmi Dhi’isow

0

GABAYGABAY: Gabaygan Dib u heshiin qaata waxa curiyey Maxamed Cilmi Dhicisow, iyada oo ay suugaantu ku wanaagsantahey in loo adeegsado waddaniyadda, wadajirka iyo walaalaynta, iyo hiddaha iyo dhaqanka suubban ayuu gabaygani waxa uu taabanayaa dib u heshiinta iyo dabargoynta dagaallada. Akhris wanaagsan.

Hadday dani ku jirin hadalka, waa layska daayaaye

Deexdeexsigiyo laguma daro, eray dinnaaheede

Nin oraah ku duullaamey, wuu daraja tirayaaye

Dillaan raaca qaarkiina waa, lagu dambaabaaye

Tix daliil leh, murti dabacsanoo, maanka deeqaysa

Anigoon digtana badin dawgiisana, ka duulaayo

Dabuubtayda gabay maanta, waa dib u heshiisiine.

 

Da’daan jiriyo dayrtaan dhashiyo, duni intaan joogey

Dabayl caafimaad iyo ma arag, daawo nabadeede

Dugsi iyo duggaal iyo ma arag, daar waxbarasheede

Maamul daacadoo lagu degiyo, dowlad maan arage

Daljir iyo difaac iyo ma arag, gaardi daakhiliye

Isku duubni guud iyo ma arag, wadajir daadahane

Soomaaloo is doontoo midoo, diirran maan arage.

 

Kala daadsanaan iyo dil baa, loogu dawgalaye

Sidii doqon la kala jaadey baa, laysku dirayaaye

Shisheeyuhu intow daangadaa, layska daawaniye

Sidii doobbi iyo dayday baa, laysu dacareeye

I daay aan ku daayee uun baa, laysku dagayaaye

Dinnaahayntu waa waxa ka darey, oo ka sii daraye

Nin damiirki laga daabacdaa, daaimad malahe

Dallaal iyo mallaal bay noqdeen, diracyadeenniiye.

 

Xaajadaan la daahirin marnaba, laguma diirsado’e

Maashii la dado waa dambay, dib u dikaantaaye

Laba dirac hadday kala dambayn, ways dagaalaane

Caqligaan dawgiis garan marbow, dambas ka liitaaye

Indha-saabku waa dabar go’ aan laga dabiiboone.

 

Hayeeshee dadkoo wada jiroo, dib u walaaloobo

Mar in aan dul joogsado wallee, wad damiir qabaye

Balse waagey degi waay-dayeey, dib u qaraaraatey

Daa’iro ku joog iyo mar baad, doolal noqotaaye

Keenyaan in aan daba kacaan, dirir ka door bidaye.

 

Soomaalaay oraah dabacsan baan, idin dareensiine

Walaalkaa in aad daysataa, kaaga deli roone

Dooddana in aad qaataa, kaaga dawa roone

Diidmada in aad joojisaa, kaaga dana roone

Danahiinna eegtoo warhoy, dib u heshiin qaata.

 

Dukun daakun yay noqoninee, dib u heshiin qaata

Magaceennu yow duugminee, dib u heshiin qaata

Dadku yayna doorsoominee, dib u heshiin qaata

Daba-qabadku waa roonyahee, dib u heshiin qaata.

 

Isdaryeela oo duul noqdoo, dib u heshiin qaata

Deriskiyo xigaalaha dersoo, dib u heshiin qaata

Dirirtiyo dagaalada nacoo, dib u heshiin qaata

Dalka yaan shisheeyuhu degine, dib u heshiin qaata.

 

Danaheenna aan gaarno ee, dib u heshiin qaata

Dahab baa inoo baxahayee, dib u heshiin qaata

Dalag baa inoo beermayee, dib u heshiin qaata

Oo aan cadaawaha dilnee, dib u heshiin qaata.

 

Diintaa dastuur noqoniyee, dib u heshiin qaata

Daain baa inoo turahayee, dib u heshiin qaata

Dawadeenna aan duurxulnee, dib u heshiin qaata

Midnimada ku dayrsada misana, dib u heshiin qaata.
W/C. Mohamed Elmi Dhi’isow
elmi_0@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com