Dhageyso:AMISOM oo ka hadashay wakhtiga ay Soomaaliya ka baxeyso.

0

ausrcMuqdisho(AGGM):Wakiilka Midowga Afrika uqaabilsan arimaha Somaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta ciidanka midowga Afrika ee Amisom ee Xalane oo ku taala Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu warfidiyeenada u sheegay in ciidamada amisom Somaliya Nabadeen doonaan doorashad fog ee soo socta ka hor.

Maxamed Salax Nadhiif wakiilka midowga Afrika ayaa waxa uu sheegay in wax dan ah aysan kusii jiri Karin sii joogida Amisom Somaliya kadib hadii Somaliya lagaaro xiliga Doorashada 2016 waxa uuna sheegay kahor in ay sii tayeen doonaan Ciidanka Somaliya.

“marka ay dhacdo doorashada sanada 2016 waxaan talada dhanka ciidanka Somaiiya ku wareejin donna Madaxweynaha markaasi la doorto iyo saraakiisha ciidanka xiligaasi talada haya sidaa waxaa yiri wakiilka midowga Afrika Maxamed Salax Nadhiif.

Sidoo kale wakiilka ayaa waxa uu ka hadlay doorashadi shalay ka dhacday maamulka puntland taasoo uu kusoo baxay Cabdi wali Gaas waxa uu ku tilmaamay in ay ahayd doorasho ku dhamaatay si wanaagsan oo ku deyasho mudan.

Ugu danbeyntii wakiilka mar kale oo uu ka hadlay Arimaha ciidamada Amisom ayaa waxa uu sheegay in ay sii rajeynayaa in somaliya ay sii joogaan ilaa iyo sanada 2016 oo u noqon doonta joojis gaareysa mudo sagaal sano.

 

Halkaan Ka dhageyso Shirka Jaraaid ee Maxamed Saalax Anaadif:-

 

Shirkii Jaraa’id ee Maxamed Saalax Anadiif

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com