Top News: Nickolas Kay Oo Soo Dhaweeyay Isbadalka Hogaanka Puntland.

0

Nicholas-Kay.Garoowe (AGGM): Ergeygga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nickolas Kay oo munaasaadda ka hadlay ayaa shacabka Puntland ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee maanta la doortay iyo doorashada sida ay ku dhacday.

“Muddo 15 sano ah oo ay Madaxweynihii afaraad ay doortaan maamulka Puntland, ayaan nasiib u yeeshay in aan idinkala qayb galo munaasabaddaan qiimaha badan leh, anigoo ku hadlaya magaca QM iyo wakiilada beesha caalamka ee halkaan fadhida waxaan hambalyayneynaa doorashada sida ay u dhacday, waxaana u mahadcelinaya madaxweynaha la doortay C/wali Max’ed Cali Gaas iyo madaxweynihii hore ee C/raxmaan Max’edFaroole sida sharafta leh ee ay doorashadu ku dhacday” ayuu yiri Nickolas Kay hadalkiisa ku daray.

Mr Kay ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka cusub ee Puntland looga fadhiyo in uu meel mariyo saddex arrimood oo kala ah hirgelinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada, sida nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabo kale oo muhiim ah , isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay taageerayso qorshahaasi iyo sidoo kale in Puntland ay door muhiim ah ka qaadato hirgelinta Federaalka oo ay Dowladda Soomaaliya qaadatay.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QMu qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nickolas Kay ayaa sheegay In si deg deg ah loo bilaabo nidaamka axsaabta ee dimoqraadiyada ah si doorashada soo socota ay u noqoto mid ay dadweynuhu soo daartaan iyo in baarlamaanka cusub ee shanta sano ee soo socotana ay noqdaan kuwa lagu soo biiriyo xubno badan oo dumar ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com