Top News: Magaalada Balad Xaawo Oo Loo Sameeyay Ciidamo Gaar Ah Oo Suga Amniga.

0

top-newsBalad Xaawo (AGGM): Taliska ciidamada amniga ee degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in la
sameeyay boolis loogu talagalay inuu sugo amniga degmada.

Taliyaha amniga ee degmada Beled Xaawo Maxamuud Faradheere ayaa Warbaahinta u sheegay in ay isku duween 50 askari oo boolis ah oo wax ka qaban doono ammaanka degmada.

Dhinaca kale, wuxuu taliyaha sheegay in marka laga reebo ciidankaas gaarka ah aanu jiri doonin askari hub ku dhex qaadan doona Beled Xaawo.

Ciidamada ayaa la qorsheynayaa inay kormeer joogto ah ku sameeyaan shanta xaafadood ee ay degmada ka kooban tahay, si ay u xaqiijiyaan amniga, ayna uga hor tagaan falalka wax loogu dhimayo nabadgelyada.

Taliyaha ayaa dadka rayidka ah ku baraarujiyay inay ciidanka amniga la shaqeeyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com