Garoowe (AGGM): Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal oo maanta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Saacada marka ay tahay 8:00 Subaxnimo ayaa waxaa holka Baarlamaanka ka furmi doona sida qorshaha uu yahay doorashada madaxtinimada maamulka Puntland oo ay ubaratamayaan ilaa 11-musharax.
Baarlamaanka ayaa dooran doona shaqsiga noqonaya Madaxweynaha Maamulka Puntland 5-ta sano ee soo socota.
Musharaxiinta xilka Madaxweynino utartamaysa ayaa gaaraya 11 musharax.
1: Cali Xaaji Warsame
2: Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
3: Cali Cabdiqaadir Yuusuf
4: Cabdiwali Maxamuud Guray
5 Shire Xaaji Faarax
6: Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
7: Gen.Cabdilaahi Siciid Samater
8: Maxamed Cabdinuur Xirsi
9: Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey.
10: Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole
11: Cali Cabdi Awaare
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com