Dhageyso: Taariikhda Cabdiwali Gaas Oo Kooban.

0

24Muqdisho(AGGM): M/weynaha cusub ee maanta loo doortay M/mulka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas waxaa uu ku dhashay magaalada Dhuusa Mareeb  ee xarunta Galgaduud 2,dii bishii July sanadkii 1965,kii.

Jaamacadii ummadda Soomaaliyeed ayuu ka baxay  sanadkii 1984 waxaana uu shahaadada Bach,ka ka qaatay maadada dhaqaalaha iyo Artska inta badan waqtigiisa waxbarashada waxaa uu ku qaatay  magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sanadkii 1988 ayuu u wareegay dalka Maraykanka waxaana uu waxbarashadiisa kasii watay dalkaasi waxaana uu wax ka bartay Jaamacado ay ka mid yihiin Harvard, George Mason iyo Buffalo oo uu hadda bare ka yahay.

Marka loo eego dhanka siyaasadda waxaa uu soo galay 12,kii bishii July sanadkii 2010 xilligaas oo loo magacaabay R/wasaare ku xigeen iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga xukuumaddii ku meel gaarka aheyd ee uu hogaaminayay Max’ed C/llahi Farmaajo.

19,kii bishii June sanadkii 2010,kii ayaa C/wali Max’ed Cali Gaas waxaa loo magacaabay sii hayaha xilka R/wasaaraha Soomaaliya kadib markii uu is casilay Max’ed C/laahi Farmaajo maalmo kadib 23 isla bishaas June 2011 M/weynihii hore ee Soomaaliya Sh, Shariif Sh, Axmed ayaa u magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya xilkaas oo uu hayay tan iyo 7 October 2012 kii .

Bishii April 4,teedii C/wali Gaas waxaa uu ka bad baaday qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Toyaatarka Qaranka Soomaaliya ee Muqdisho kaasoo galaaftay nolosha dad badan in kale ay ku dhaawacmeen.

Horaantii bishii August isla sanadkaas 2012 ayuu ku dhawaaqay C/wali Gaas inuu yahay Musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaliya ee dhacday bishii September 2012,kii hase ahaateee mar dhexe ayuu ka tanaasulay dorashadaas.

Maanta oo bisha January ay tahay 8 2014 ayuu C/wali Max’ed Cali Gaas uu noqday M/weynaha Maamulka Puntland kadib markii wareegii ugu dambeeyay uu la tar tamay m/weynaha waqtigi ka dhamaaday C/raxmaan Faroole oo 5,tii sanadkii lasoo dhaafay maamulkaas majaraha u hayay.

C/wali Gaas waxaa hor yaala howl adag sida dad badan aaminsan yihiin oo ay ka mid tahay soo celinta xiriirkii Puntland ay dawlada Soomaaliya la laheyd oo meesha ka maqnaa waayihii dambe.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga… 

 

Taariikhta Kooban ee madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Cabdi wali cali Gaas

Waxaa isku soo ururiyay Burhan Dini Farah.

burhandiini@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com