Ku: Maamulka Puntland iyo Musharaxiinta xilalka u tartamaya.
Ku : Waxgaradka iyo Salaadhiinta Puntland.
Ku: Beesha Caalamka
Og: Isimada Absame ee Puntland
Ujeedo: Inagoo ah Salaadhiinta, waxgaradka ,Aqoonyahanada iyo bulshaweynta ka soo jeedo Beesha Absame ee asal ahaan u degan Gobalada uu ka koobanyahay Maamulka Puntland. Waxaan codsaneynaa hadaanahay Beesha Absame ee Puntland in Maamulka Puntland nagala siiyo xaqeena aan ku leenahay.
Dhamaan Maamuladii soo maray Puntland waa aan ku dulmaneen hadii aanahay beesha Absame, waxaan tabaneynaa in xaquuqdeena lagu tuntay oo nagala soo qaado dad aan deegaankaba waxba ku laheyn. Beesha Absame waxay kamid tahay beelaha soo jireenka ah ee degan Puntland, Beesha waxay kaalin mugweyn ku leedahay waxqabadka deegaanada Puntland, Hadii ay ahaan laheyd waxbarashada, Macalimiinta Jaamacadaha wax kabaro, kuwa dugsiyada, ganacsiga, Culumada iyo dhamaan tiirarka Bulshada.
Qiyaastii 100-kun oo qoys oo ka soo jeedo Beesha Absame ayaa deegaan ahaan u degan Puntland isla markaasina ahaa dad boqolaal sano deganaa.
Hadaba Walaalaheena Beesha Harti ee Hormuudka u ah Maamulka Puntland waxaan ku dhaliileynaa in Xaqeena nala duudsiiyo ,oo nagala soo qaado dad aan jirin ama aan xaquuqba ku laheyn deegaanka, bals iska daayee waanagula dhibaateyn jiray , marka laga reebo 2-bada sano ee nabada ka dhacday ismaamulka dowlad deegaanka Somalida Itoobiya oo arimo siyaasad darteed dhibki nagala daayay.
Waxaan Marlabaad si hufan uga codsaneynaa walaala beesha Harti in ay ku xadgudbin xaquuqda dadka walaaladooda ah ee deegaanka wax ka dega. Tusaale Magaalada Boosaaso xaafada ugu bulshada badan waxaa degan beesha Absame , hadana ma jirto wax xildhibaan ama xaquuq ah oo beesha ku leedahay Boosaaso.
Falanqeyn dheer kadib Beesha waxay soo saartay baaqa hoos ku xusan.
1: In Maamulka Puntland uu dib u eego xaquuqda beelaha walaaladooda ee la degan deegaanka.
2: In beesha Absame si buuxdo loo siiyo xaqooda laguna daro Baarlamaanka iyo wasiirada Maamulka Puntland ee ay xaqa u leeyihiin;
3: In Isimada Absame ee Puntland laga daayo midib takoorka isla markaasina laga qeyb geliyo talada Isimada Puntland.
4: In Maamulka Puntland uu ilaaliyo cadaalada iyo wada noolaashaha umada ku dhaqan Puntland.
5: In Maamulka uu noqdo mid ay iska wada dhex arkaan dadka ku dhaqan kana soo jeedo Puntland ee uu noqonin mid hal beel maroorsato.
6: Beesha Absame ee reer Puntland marna ma aqbaleyso inay ka aamusnaato xaqooda la duudsiiye.
7: Waxaan cambaareyneyna dhamaan maamuladii soo maray Puntland ee cadaalad darada ku dhisnaa.
8: Waxaa kaloon Cambaareyneynaa qaabka Baarlamaanka Puntland ee dowlada soo socota loo soo xulay ee Cadaalad darada ah.
Waxaan rajeyneynaa in Maamulka Puntalnd uu tixgeliyo baaqani isla markaasina uu wax ka qabto nidaamka cadaalad darada ku saleysan. waxaan mar sedaxaad codsaneynaa in aan la dhayalsanin baaqani si deg deg ahna wax looga qabto.
Golahaha Salaadhiinta Absame ee deegaanada Puntland.
Wabilaahi Towfiiq.
Garowe
Somaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com