Caabudwaaq (AGGM): Maamulka Ahlu Sunna ee gobalada dhexe ayaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed waxa ay ka codsadeen in uu xubnaha wasiirada cusub uu ku daro maamulkaas oo laga siiyo qoondadii ay ku lahaayeen.
Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo ah guddoomiyaha seddaxda golle ee Ahlu Sunna ayaa warbaahinta u sheegay in ra’iisal wasaaraha cusub laga doonaayo in uu xubnaha cusub lagu daro Ahlu Sunna.
Wuxuu tilmaamay in xukuumadii horre ballan qaad ay u fidisay Ahlu Sunna aaney waxbo ka hirgalin sida uu yiri.
“Ahlu Sunna waxa ay ra’iisal wasaaraha ka codsaneysaa inuu ka siiyo xubnaha ay ku lee yihiin golaha wasiiradda cusub, annagoo og ballan qaadyadii horrey naloo fidiyay oo wax ka hirgalay aysan jirin” ayuu yiri Sheekh Ibraahim Guureeye.
Dhinaca kale, waxa uu mas’uulkan ugu sareeya Ahlu Sunna ka codsaday ra’iisal wasaaraha in uusan ku xulan golaha wasiiradda cusub, koox dan gaar ah leh,qabiil iyo nin jecleesi balse waa in lagu xusaa tayada uu lee yahay” ayuu yiri.
“Waa nasiib daro in maalin kasta beesha caalamka ay Soomaaliya ku tilmaamto waddanka ugu horeeya musuq-maasuqa ee caalamka, waa in arrintaas laga taxadaraa” ayuu yiri.
Ahlu Sunna waa koox cudud leh oo ka dhisan Soomaaliya isla markaa dagaal kula jirta kooxda Al-Shabaab,sidaas oo ay tahay haddana iyaga ayaa aan mideesneed oo waa dhowr garab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com