Muqdisho(AGGM): Raisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheq Axmed ayaa saacadaha soo socda waxa uu ku dhawaaqi doona Golahiisa wasiirada cusub, kadib markii uu soo gaba gabeeyay wada tashiyadii uu kusoo dhisayay xukuumada.
Algalgaduud Media ayaa heshay war ku aadan in maanta oo Sabti ah ama maalinta Axada uu raisal wasaaraha ku dhawaaqi doono Xubnaha Golaha wasiiradiisa.
Mr Cabdi wali ayaa la filayaa inuusan soo celin wasiiradii xukuumadii Cabdi Farax Shirdoon Saacid,balse wararka ayaa sheegaya in laga yaabo hal ama labo wasiir inay kasoo laabtaan wasiiradii hore.
Raisal wasaaraha ayaa u sheegay in cid waliba oo rabta xilka wasiir inay cod ka heysato xubnaha Beeshiisa uga jira Barlamaanka Soomaaliya.
Waxaan indhaha ku hayn doonan dhaq dhaqaqyada ku aadan ku dhawaaqista Golaha wasiirada cusub ee Xukuumada Soomaaliya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com