Muqdisho(AGGM):Raisal wasaaraha Soomaliya Dr CabdiWali Sheq Axmed ayaa ka dalbaday xubnaha Barlamaanka Soomaaliya inay hakiyaan sharciyada hada horyaala Barlamaanka ayna doonayaan inay ansixiyaan.
Sharciyada hada horyaala Barlamaanka ayaa waxa kamid ah sharciyo la doonayo in dowlada ay kusii shaqeesto ilaa iyo laga gaarayo sanada 2016-ka oo shacabka ay u dareeri doonan doorashooyinka dalka.
Warqada raisal wasaaraha uu u diray Barlamaanka ayaa waxa xubnaha barlamaanka ka hor aqriyay Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheq Cismaan Jawaari.
Xubnaha barlamaanka ayaa ka aqbalay dalabka raisal wasaaraha waxana ayna ku heeshiyeen in la joojiyo sharciyadaasi oo ay horey u soo gudbisay xukuumadii raisal wasaarihi hore Cabdi Farax Shirdoon Saacid.
Raisal wasaaraha warqadiisa dalabka aheyd ee ku wajahneyd Barlamaanka Soomaaliya waxa ku qornaa sidoo kale in inta uu isaga kasoo dhisaayo Golaha wasiirada aysan wax sharciyo Barlamaanka meel marin Karin.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com