Nairobi (AGGM): Dowlada Shiinaha oo Kenya ka taageysa la dagaalanka Al-shabab iyo burcadbadeeda.
Xukuumada dalka Kenya ayaa shegtay in ay heshiis la gashay dowlada Shiinaha sidii alaad casri ah ay kala shaqeen laheyd in lagu ilaaliyo soodinta Kenya la wadaagto Soomaaliya iyo sidoo kale dhanka iyo biyaha oo ay iska kaashanayaan labada dowladood la dagaalanka Kooxda Burcad badeeda Soomaaliya.
Xaflad ka dhacday magaala xeebedka Mombasa ayna ka qeyb galeen masuuliyin ka socotay Shiinaha ayaa waxa ka hadashay wasiirka difaaca dalkasi Kenya Raychelle Omamo.
Raychelle Omamo ayaa sheegtay in heshiiskaani uu ka saacidi doono Kenya sida ugu wanagsan ee looga hortgi karo hanjabadaha Al-shabab kaga imaanaya gudaha dalka Soomaaliya iyo sidoo kale dhibatada kooxda burcad badeeda oo dhibaato ku heysa biyaha gobolka.
Raychelle Omamo ayaa uga mahad celisay dowlada shiinaha is garab taaga ay dowlada Kenya ay la garab taagan tahay waxana ay shegtay in arimhaasi Kenya ka fududeen doonto xoojinta amaanka dhanka gobolka.
Degaano kamid ah dalka Kenya waxa ragaadiyay dhacdooyin la xiriira qaraxyo oo ay masuuliyadeda dusha looga tuuray Xarakada Al-shabab waxana ugu danbeesay weerar lagu qaaday maqaaxi ku taala Gacanka Diyani oo ku dhow magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com