Dhageyso: Boqolaal Tahriibayaal ah oo Ciidamada Bada talyaaniga ay Badbadiyeen

0

talyaanigaCiidamada Badda dalka Talyaaniga ayaa  sheegay inay bad   baadiyeen tahriibayaal gaaraya 233 qof oo doonayay inay doon aan hagaagsaneyn uga gudbaan biyaha u dhaxeeya dalalka Taliyaaniga iyo Liibiya.

Dadkaani ayaa ahaa rag iyo dumar ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Eritrea, Nigeria ,Zambia , Mali iyo Pakistan.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowlada Taliyaaniga ayaa lagu xusay in markab lagu macaabo  Zeffiro uu dadkaasi ka qaaday xeebta koofureed ee jazeerada Siishalis.

Qoraalka ayaa lagu sii cadeeyay in markabkaas uu tahriibayaasha geeyay magaalada Syracuse oo ka tirsan dalka Taliyaaniga.

Wasaarada arimaha gudaha ee dalka Taliyaaniga ayaa sheegtay in sanadkii tagay ee 2013 ay dalkaasi tageen 25,000 oo ahaa tahriibayaal adeegsanaya dooma u nugul inay burburaan.

Dalka Taliyaaniga ayaa ah marin ay isticmaalaan Tahriibayaasha afrikaanka ah ee doonaya inay ku noolaadaan dalalka Yurub oo ay aaminsan yihiin inay ku maareyn karaan duruufta maaliyadeed ee heysata.

Ciidamada Bada ee dalalka Malta iyo Taliyaaniga ayaa roondo ka sameynaya biyaha bada dhexe si ay u badbaadiyaan mahaajiriinta naf la caariga ah ee ku hafan kara biyaha badaasi.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Tahriibayaasha

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com