Maxay soo kordhinayaan musharaxiinta cusub ee Hay’adda Nabad Sugida Qaranka???

0

Nabad SugidaLaga soo bilaabo xukuumadii Korneel Cabdullahi Yuusuf Axmed, ilaa dowladaan Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa soo maray Hay’adda Nabad Sugida Qaranka, ilaa iyo 5 Taliye oo kala ahaa. Darood, Raxanweyn, Habar-gidir, Dir, iyo Taliyaha hada jooga General Bashir Moxamed Jaamac oo kasoo jeeda beesha shanaad marna lagu sheego inuu yahay Beesha Mohamud Hiraab.

5taan Taliye, waxa ay iskugu jireen kuwa xambaarsanaa kalsoonida madaxweynaha markaas talada hayay iyo kuwa ku yimid cadaadis. General Darwiish oo ahaa madaxa Hay’adda Nabad Sugida Qaranka waqtigii kornel Cabdulaahi Yuusuf, wuxuu haystay kalsoonida madaxwaynaha, sidaas ayaana jagadaas loogu dhiibey, wuxuuna ku fashilmay ilaalinta xukuumadiisa sababta oo ah waxaa la sigay oo dil ka badbaadey qarax Baydhabo loogu geystay madaxweynihii geeriyooday Col. Cabdullahi Yusuf . Waxaa ku xigeen u ahaa General Nur Shirboow oo kasoo jeeday beesha Abgaal iskana ahaa magac u yaal lagu qancinayey muuqaalkiisa Beesha Abgaal, laakiin awooda dhabta ah waxaa hayey Moxamed Adan Bidaar oo ladhihi karo wuxuu ahaa maskaxda iyo aqoonta wax kala waday watigaas kuna magacaawnaa Madaxa Ladagaalanka Argagixisada.

Axmed Macalin Fiqi, isaguna wuxuu heystay kalsoonida madaxwayne Sharif Sheekh Axmed oo ay ka dhexeysay aqoon qotadheer iyo Aala Shekhnimo ama Majmac-nimo. Fiqi wuxuu ahaa qofka keliya ee aan wadanin derejo ama qibrad ciidan ah markii jagadaan loo dhiibayay, laakiin madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ahaa shaqsi faham wanaagsan u lahaa arimaha amaanka ayaa kalsoonidiisa siiyey Fiqina wuxuu ahaa tiirarka ugu wayn ee uu ku taagnaa Madaxweyne Sharif Sh Axmed inta uu xilka hayayna qodxa badan ayuu ka siibay dawladda, Mr Fiqi wuxuu ahaa nin Madaxweyne Shariif sirar badan oo dawlado kala dhaxeeyay ninka kaliya ee uu ka aaaminay ayuu ahaa.

Sedexdaan kale ee General ayaan lagu magacaabin wax kalsooniya oo ay ka haysteen Madaxweynayaashi jagadaas u magacaabay, marka laga reebo General Maxamed Shiikh oo ku yimid kalsoonida Sharif Xasan Sheekh Adan markii danbana ay madaxweyne shariif iskula dhaceen inuusan ka amar qaadan ee shariif xasan uu ka amar qaato taas oo keentay in la bedelo iyadoo marki la bedelay uu monotaring group u bandhigay sir uu ka ogaaday madaxweyne shariif oo aheyd lacag wadanka cuman laga soo qaaday oo qaab aan formal aheyn loo isticmaalay.

General Bashiir oo hada ah Taliyaha Hay’adda sirdoonka & Nabad Sugida Qaranka ayaa wararka hoose ee maalmahaan kasoo baxaya Madaxtooyada sheegayaan in jagadaas laga qaadayo goordhow isaga oo hayay wax ka yar halsano. General Bashiir ayaa lagu eedeeyey in uu marsiiyey Hay’adda wadadii uu ku burburiyay Booliiska sanadihii uu taliya xigeenka ka ahaa. Saraakiil horay uga tirsanayd Hay’adda hadase shaqadii iskaga tegey ayaa sheegay in General Bahiir uu u geeystay Hay’adda bilihii lasoo dhaafay burbur aad u wayn taasina waxa ay keentay inay ka aamin baxdo xukuumada Xasan Shiikh Maxamud.

Waxaana aad u soo badanaya maalmahaan musharaxiinta doonaya in loo magacaabo madaxa ugu sareeya Hay’adda Nabad Sugida. Murashaxiinta soo gudbistay CV-gooda ilaa iyo hada ayay ka mid yihiin,

1- Daahir Maxamed Jimcaale oo loo yaqaano”Taakooy” kana soo jeeda beesha Xaskul hawiye ahna reer waqooyiga Ameerika.

2- Dr.Maxmed Xasan Nuur oo kasoo jeeda beesha 5-aad ahna reer Sacuudi Arabia RW cusubna ay aqoon wanaagsan isku leeyihiin.

3- General Maxamed Shiikh, oo kasoo jeeda Raxanweyn, horeyna madax uga soo ahaa hay’adda Nabadsugida.

4- General Suubxaanyo oo kasoo jeeda beesha Habargidir/Ceyr.

5- General Cali Madoobe oo horay Taliye uga soo ahaa Booliiska Somalia kana soo jeeda Beesha Mariixaan.

6- General Nur Shirboow oo kasoo jeeda Beesha Abgaal.

7- General Dhegabadan oo horay u ahaan jiray abaan duuliyaha ciidamada xooga dalka.

Hadaba Su’asha qofwalba isweydiinayo maanta ayaa ah maxay ku soo kordhinayaan amniga qaranka murashaxiintaan intooda badan horay ugu soo fashilmay XASILINTA wadooyinka XAMAR.

Soomaaliya miyaa laga waayey dad kale oo aqoon u leh nabadsugida Qaranka ahna dad wadamiyiin ah? mise waxaa indha beelay hogaanka sare ee dalka???

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com