Top News: Dowladda Oo Qoysas Soomaaliyeed Ka Soo Qaaday Dalka Koonfurta Suudaan.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ka soo daad-guraysay dalka Koonfur Sudan 130 muwaadiniin oo dalkaas ka shaqeysan jiray, kuwaas oo noqonaya shisheeyihii ugu dambeeyay ee ka cararaya rabshadaha ka socda dalka ugu da’da yar adduunka.

“Waa qeybtii ugu horeysay oo ka kooban 335 muwaadiniin Soomaali ah oo ku xannibnaa dalka Koonfur Sudan dagaalka socda awgiis,” mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, Cali Cabdi Cali ayaa u sheegay wakaaladda AFP.

Badankood waxay ku xannibnaayeen magaalada Bor markii mucaaradka ay qabsadeen magaalada, ka hor inta ciidamo taageersan dowladda aanay qabsan toddobaadkii la soo dhaafay, ayuu yiri, isagoo raaciyay in dowladda federaalka ay bixinayso kharashka daad-guraynta diyaaradda loo adeegsanayo.

“Aad ayaan uga mahad-celinaynaa dowladdeenna dadaalka ay u gashay inaan annagoo bad-qabna ku soo noqonno dalkeenna hooyo, ma garanayo sida xaaladdeenna ay noqon lahayd haddii aysan daad-guraynta dhicin,” ayuu yiri Maxamed Aadan oo ka mid ahaa dadkii laga soo saaray Koonfur Sudan ee shalay ka dagay Muqdisho.

“Waxaan ku go’doomay guri ku yaalla Bor, xataa helitaanka cuntada way adkayd.”

Soomaali badan ayaa ganacsi ku haystay dalka Koonfur Sudan, qaar kalena shaqaale ahaan ayay halkaas u joogeen.

Dadaallada caalamiga ayaa isku dayaya inay ka hor-tagaan in dagaalka Koonfur Sudan uu isu rogo dagaal sokeeye oo ballaaran.

Dhiig-badan ayaa daatay tan iyo markii uu dagaalka billowday, iyadoo dagaallo kharaar laga soo sheegay deegaannada saliidda laga soo saaro. Waxaa kaloo jira warar sheegaya xasuuq, kufis iyo dil.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com